GLOBAL NEWS

Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka Hor-yimid Wareejinta Xaruntii hore ee Baarlamanka Dalka


Baarlamaanka Somalia ayaa maanta kasoo horjeestay tallaabadii Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale uu ugu Wareejiyay xaruntii ex-baarlamaan ee Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shalay ku wareejiyay xaruntii hore ee baarlamaanka Soomaaliya milkiilaha Tv-ga Universal, Inj. Axmedeey Abuubakar, halkaasoo la sheegay in laga dhisi doono goob ay shacabku u soo dalxiis tagaan.

Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka Somalia ku yeesheen Maanta xaruntooda Muqdisho ayaa lagu soo hadal qaaday wareejintii Duqa magaalada Muqdisho ku wareejiyay xaruntii hore ee baarlamaankii Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin, isla markaana ay go’aan cad ka qaadan doonaan tallaabada xaruntii hore ee baarlamaanka Somalia loogu wareejiyay shaqsi ganacsade ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa kulanka ka sheegay in guddoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inuu caddeeyo cidda xaqa u leh inay bixiso xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay inay sharci-darro weyn tahay in la bixiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee ee Baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in maalinta berri ah uu guddoonka sare ee Baarlamaanka iyo Guddiga Maaliyadda ay go’aan kasoo saari doonaan arrintan, ayna go’aankaas sii shaacin doonaan.

Dhanka kale, Dhismihii hore ee Baarlamaankii Soomaaliya ayaa horay loo sheegay in lagu sameyn doono dayactir, si loogu soo celiyo muuqaalkiisii hore, ayna xildhibaannada FS ay ku shaqeyn doonaan

Laba sano ka hor ayay ahayd markii guddiyada joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya ay soo bandhigeen nashqadda dib loogu dayac-tirayo xarunta baarlamaankii hore ee Somalia, iyadoo aan la ogeyn qorshaha Duqa Muqdisho uu ugu wareejiyay xaruntan milkiilaha TV-ga Universal.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay maanta hindise-sharciyeedka iibka Qaranka, waxaana codkooda siiyay 143-mudane oo ka mid ahaa 147-xildhibaan oo sharcigaan u codeeyay, iyadoo ay diideen saddex xildhibaan; halka hal xildhibaanna uu ka aamusay.