GLOBAL NEWS

Xildhibaan Hore oo Maanta lagu Dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii KMG-ka ahaa ee Somalia hore, iyadoo mas’uuliyadda dilka xildhibaankan hore ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Xildhibaankan hore ee lagu dilay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Cali Aadan waxaana lagu dilay agagaarka Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo aan weli la ogeyn sababta loo dilay xildhibaanka ka tirsanaa baarlmaankii hore ee Soomaaliya. Goob-jooge ku sugan goobta uu dilka xildhibaankan hore ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka dhowr xabadood looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, iyadoo ay goobta gaareen ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

“Dilka mas’uulkan waxaa geystay laba ruux oo bastoolado wata, waxaana toogashadu ay ka dhacay qaybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Xaaji Cali Aadan,” ayuu yiri goob-jooge halkaas ku sugnaa.

Ciidankii booliiska Somalia ka tirsanaa ee goobta gaaray ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen kooxihii geystay dilka xildhibaankii hore ee baarlamaankii KMG-ka ahaa Somalia ka tirsanaa.

Al-shabaab ayaa saxaafadda taageerta ku sheegatay in dilka xildhibaankan ay iyagu mas’uul ka yihiin dilka xildhibaankan oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa xildhibaannadii baarlamaankii KMG ahaa ee xilligii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal ay dhawaanahan Muqdisho ka geysanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna dilkan kusoo beegmayo xilli maalin ka hor ay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dileen kooxo bastoolado ku hubeysan mid ka mid ah saraakiisha millateriga Soomaaliya.