GLOBAL NEWS

Xildhibaan Gurxan oo Muqdisho lagu Aasay iyo Mas’uuliyiin ka Qayb-galay Aaskiisa


Waxaa maanta aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho Allaha u raxmadee xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weeraray kooxo hubeysan shalay ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu aasay qubuuraha Isbitaal Madiina ee Muqdisho.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galay RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Somalia iyo siyaasiyiin.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay in dilka ay kooxaha nabad-diidka ahi u geysteen marxuum Gurxan iyo kuwii ka horreeyay aysan hakinayn howlaha baarlamaanku uu u hayo Qaranka, isagoo ugu baaqay laamaha amniga DFS inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanka; lana horkeeno cadaaladda.

RW ku xigeenka xukuumadda Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa dhankiisa wuxuu tacsi u diray baarlamaanka, eheladdii uu ka baxay marxuumka iyo ummadda oo dhan, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Somalia uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya, Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii iyagoo u hal-gamaya dalkooda Soomaaliya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcanna uguma dambeyn doono,” ayuu yiri Carte.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka xukuumadda FS ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka soona sheegaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Si kasta ha ahaatee, xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa wuxuu xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar ay kooxo hubeysan shalay dhaawac ugu geysteen, kuwaasoo ku weeraray degmada Xamar-weyne oo uu deggenaa.