GLOBAL NEWS

XIL. GOODAX: Mooshinka lama Tuuri karo, Waxaana soo Bandhigaynaa Caddeymaha aan Haynno


Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in lasoo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la tuuri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Guddoonka uu yahay mid xildhibaannadu aysan u dhameyn oo ahaa mid Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ku kooban.

“Go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka SOomaaliya Wax macno ah oo uu ku fadhiyo ma jirto, mana ahan mid wax ka bedelaya wixii socday, mana ahan wax si sahal ah looga dulqaadi karo qof, waa masiir ummaddeed, Wax ka jirana ma jiraan, cid u Aqbali doontana ma jirto,” ayuu yiri Goodax oo u warramay BBC-da.

Sidoo kale, Xildhibaan C/llaahi Goodax ayaa intaas ku daray. “Guddoonka Baarlamaanku uma dhama dhama waa hubnaa; waxaanuna waa wax Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ay moodeen inay wax xalinayso, runtii xildhibaannada niyad-samida muujiyay ee rabay waxan haddii garawshiyo uu ka bixiyo laga wada-xaajoodo, baaq ayayna xildhibaanada kasoo saari doonaan Mowqifkooda.”

Mar la weydiiyay inay ka Qayb-galayaan Wadahadalka uu ku baaqay Guddoonka BFS ee ah la isugu imaanayo 07-da Oktoobar ee sannadkan kulan ayuu Xildhibaan Goodax kaga jawaabay.

“Sida aan qabo wadahadalka kuma qasbanin, mana tageyno Xildhibaannada ayaana go’aan ka gaaraya, Guddoomiyaha arrintan dhex-dhexaad kama ahan, wuxuu leeyahay waa lasoo af-jaray jiritaanka mooshinka, haddii mooshinka la soo af-jaray waxaa laga wadahadlayo maxay tahay.”

Dhanka kale, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo la weydiiyay sida ay u arkaan tuurista la tuuray mooshinka ayuu xusay inaan mooshinka la tuuri karin, isla markaana mooshinka Madaxweynaha DFS uu yahay mid culus, isla markaana aanu ahayn wax warqad lagu tuuri karo.

“Qareenadeena waxay goor-dhow u soo qori doonaan Guddoonka Baarlamaanka qoraal ay ugu sheegayaan talaabada ay qaadi doonaan, waxaana ummaddu baran doonaan wax aysan horay u aqoon. Caddeymaha aan haynana dhawaan ayaan soo bandhigi doonnaa Internet-ka,” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Ugu dambeyn, Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in 07-da Oktoobar la qaba doono wadahadal lagu dhameynayo arrimaha mooshinka, iyadoo kulanka ay kasoo Qayb-galayaan, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay.