GLOBAL NEWS

Xil-dhibaan Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Weerarkii Shalay ee Hoteel Naasa Hablood


Wasiiru-dawlihii dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza kana tirsanaan jiray xafiiska arimaha deegaanka ee raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dad gaarayaa ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerarkii shalay lagu qaaday Hoteel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Geerida Burci waxaa ka naxay dad badan oo qaraabo iyo ehelo ay ahaayeen iyo weliba dad badan oo ay isla soo shaqeeyeen.

Burci Maxamed Xamza ayaa ahaa xildhibaan golaha shacabka ka tirsan tan iyo bishii Agoosto 2012 wuxuuna soo qabtay xilkaa wasiiru dawlenimada asagoo intaa ka horna wasiiru dawle ka ahaan jiray Wasaarada Arimaha Dibada, waa sanadkii 2014 ilaa bishii Oktoobar ee sanadkaa dabadeedna noqday wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada ilaa bishii Disembar ee isla sanadkaa.

Horaantii sanadkaan ayaa sidoo kale waxaa labo xildhibaan oo kale lagu dilay weerar kale oo lagu qaaday Hotel Ambassador halkaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu sare ay u dhaaftay 24 kuwaasoo ay kujireen labo xildhibaan oo ka tirsanaa golaha shacabka ee dalka Soomaaliya.

Labadaa xildhibaan ayaa waxaa la kala oran jiray Maxamed Maxamuud Guure iyo Cabdullaahi Jaamac.

Xarakada Shabaab ayaa labadaa weerarba sheegatay inay soo qaaday ayadoo sheegtay in sababta ay u bartilmaansanayso hoteelada ay tahay inay halkaa dagaan saraakiisha dawlada.