AF-SOOMAALI

XASAN SHIIKH: Waxaa Socda Qorshayaal Xukunka Dowladda lagu Gaarsiinayo Dalka oo Dhan


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay inuu socdo qorshe dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira ay isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo xusay inuu rajo ka qabo in dhawaan dalka oo dhan lagu baahiyo xukunka dowladda.

Xasan Sheekh ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kaga hadlay safarkii uu kusoo kala bixiyay dalalka Turkiga iyo Jordan oo uu kaga qaybgalay shirar caalami ah.

“Dalka Urdun waxaa kaga qayb-galay shir looga hadlayay amniga iyo la-dagaalanka xag-jiriinta. Shirkaas waxaa kasoo qayb-galay madax ka socday dalalka Geeska Afrika. Dalka Turkigana isna waxaan kaga qayb-galay xuska loo sameeyay guulihii uu Turkigu ka gaaray dagaalkii koowaad ee Adduunka,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in horumar weyn uu ka socdo dalka oo dhan, isla markaana ay wanaagsan tahay rajada ay ummaddu ku qabto horumarka socda, balse waxaa xusid mudan in qadiyadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu meel wanaagsan marayo xilligan.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in maamullada gobollada ay dhismeen intooda badan, kuwa kalena ay waddadaas oo kale ku socdaan, isagoo intaa raaciyay inuu meel wanaagsan marayo in xukunka dowladda dalka oo dhan lagu baahiyo.

“Arrimaha Ammaanka markaan ka hadlo waxaa socota howl xowli badan oo dowladda Soomaaliya iyo maamullada gobolladu ay ku doonayaan in talada dalka oo dhan ay gacanta dowladda soo gasho; ammaanka lagula soo celin lahaa. Dagaalka aan kula jirino kooxaha nabadda diiddan waan xoojinaynaa mar dhowna dalka oo dhan ayaa lagu baahin doonaa,” ayuu madaxweynu ku daray hadalkiisa.

Xasan Sheekh wuxuu kaloo intaas ku daray in dagaalka Al-shabaab uu kusoo ururay mid gaadmo ah, ayna billaabeen inay beegsadaan meelaha bulshadu ku badan yahay ayna ku laayaan dad aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horeysay oo madaxweyne Xasan uu sheego inuu socdo qorshe Al-shabaab looga ciribtirayo dalka oo dhan, isagoo horay u sheegay in dalka oo dhan ay ka saarayaan, laakiinse waxaa weli muuqata in Al-shabaab ka taliso deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla.