AF-SOOMAALI

Xarunta Aqalka sare oo xalay Korantada ka tagtay xili ay ka socotay Munaasabad ay ka qeyb galayeen …


Waxaa xalay xarunta aqalka sare ee kutaala Degmada Shibis ee gobolka Banaadir lagu qabtay munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 1aad ee Xildhibaanada Golaha Aqalka sare .

Munaasabada xalay ka dhacday waxaa ka qeyb galay Madxaweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka sare, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Xubno katirsan labada Aqal ee dowlada, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Munaasabada xiritaanka Kalfadhiga 1aad ee Golaha Aqalka sare ayaa lagu soo bandhigayay heeso wadani u badan , waxaana munaasabada aheed mid si heer sare u socotay inkastoo gabo gabadii ay wax ka qaldameyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka tagay xarunta aqalka sare ee ka socotay Munaasabada iyaga oon wax khudbad ah halkaasi ka jeedin kadib markii ay korontada ka tagtay goobtii ay xaflada ka socotay.

Madaxda ayaa la sheegay in ay ka cudur daarteen in ay sii joogaan halka munaasabada ka socotay markii ay korontada ka tagtay, waxaana la sheegay markii gawaaridooda ay raaceen Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha in korontada ay soo laabatay ayna horey usii socdeen Madaxda.

Munaasabada waxaa khudbado ka jeediyay Madaxdii kale ee ku sugneed sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Aqalka Srae Cabdi Xasahi Cbadulaahi iyo Masuuliyiin kale.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa galaya fasaxoodii ugu horeeyay tan iyo markii lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana kalfadhigiisa labaad ee Xildhibaanada Aqalka sare uu furmi doonaa 5-ta bisha July.