AF-SOOMAALI

Xarrakada Al-shabaab oo sheegatay dilkii xildhibaan Timo Faras ee magaalada Kismaayo


War laga siidaayay warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilkii xalay xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo loogu geystay xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras).

Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kaddib ay dagaalyahanadooda u suurtagashay in ay isaga baxsadaan xaafadda Calanley ee magalada Kismaayo.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyen magaalada Kismaayo iyaga soo qabtay dhowr qof oo la tuhusan yahay, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay wax ka ogaayeen dilka.

Wararka, ayaa sheegaya in xilligii la dilayay Xildhibaanka aysan la socon wax ilaalo ah waxaana la toogtay xili uu la taagnaa Nin ay is garanayeen.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa VOA u sheegay in qof ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda ku dhuftay xildhibaanka ilaa Afar xabadood oo qoriga AK47ka ah.

Xidhibaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo lagu toogtay gudaha magaaalada Kismaayo.