AF-SOOMAALI

Xaalada Balad Xaawo oo saaka daggan


Kadib dagaalo shalay iyo doraad ka dhacay magaalada xadka ku taala ee Balad Xaawo, magaaladu saaka waa daggan tahay.

Dhowr qof ayaa ku dhintay toban kalena waa ku dhaawacmeen dagaalo halkaa ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay oo shalay ay ugu dambeysay.

Dagaalka ayaa bilowday shalay kadib markii ciidamada maamulka degmadaa ee Jubaland ay weerareen kooxo hubeysan oo kasoo horjeestay isbaddal lagu sameeyay maamulka degmadaa kadib markii ay toogteen askari katirsan ciidamada maamulka degmadaa.

‘Ciidamo ka tirsan maamulka ayaa weeraray guri ku yaalla xaafad bariga Balad Xaawo kutaala waxaana halkaa lagu dilay qaar ka tirsan kooxo hubeysan oo tan iyo xalay ku dhuumaaleysanaayay gurigaas’. Sidaa waxaa yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Waziirka Amniga ee Jubaland, C/Rashiid Xassan Nuur ayaa sheegay in kooxo fallaagoobay ay weerar ku qaadeen ciidamada Jubaland ayna khasaare u geysteen.

Shalay ayaa waxaa xirnaa ganacsiyada ayadoo dhaqdhaqaaqa dadka la xaddiday shacabkuna badankoodu ay guryaha joogeen.

Habeyn hore iyo dorraad ayaa waxaa Balad Xaawo ka dhacay labo qarax kuwaasoo geystay khasaaro nafeed oo dhimasho iyo dhaawac intaba leh.