GLOBAL NEWS

Xaalad kacsanaan ah oo maanta ka jirta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku waabariisatay jawi aan daganeyn iyo xiisad u muuqata mid colaadeed, kaddib markii inta badan magaalada ay xirteen malleeshiyo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa kuwaa oo ka carreysan dilkii sarkaal ka tirsanaa QM.

Ganacsiga magaalada ayaa gabi ahaanba xirran mana jiraan gadiid isticmaalaya waddada laamiga ah ee halbowlaha u ah magaalada, waxaadna ku arkeysaa meel walba shacabka oo koox koox u taagan iskana wareysanaya sidda ay wax u socdaan.

Xiisadan oo markii horeba ahayd mid taagan ayaa waxaa uga sii daray kaddib markii gud-doomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabfitaax Xassan Afrax oo tan iyo maalintii shalay ku sugnaa xerrada AMISOM ee dulleedka magaalada uu dib u soo laabtay si uu sii waddo howlihiisii caadiga ahaa, hasse ahaatee waxaa arrintaa ka hor yimid dhinaca kale ee ka soo horjeeda oo ku adkeysanaya in uusan jirin maamul shaqeynaya.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif & odayaal dhaqameed ayaa isku dayaya inay xal u helaan xiisada jirta iyaga oo labada dhinacba ku qancinaya in xaalada la dajiyo, wax walbana lagu dhameeyo wadda-hadal.

Dhinaca kale, dadweyne carreysan oo isugu soo baxay qeybo ka mid ah magaalada ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu qeyb ka yahay xiisada ka jirta Baladweyne, iyagoo dhinaca kalana ugu baaqay labada qaybood ee is hor-fadhiya inay ka fogaadaan gacan ka hadal ama dagaal ka dhaca gudaha magaalada.

Dadka shacabka ah ayaa u muuqda kuwo si weyn ugu jah-wareersan is-mari-waaga taagan oo saameyn ku yeeshay nolashii caadiga aheyd ee magaalada.

Lama oga sida saacadaha soo socda ay wax isku bedeeli doonaan, waxaana si weyn loogu dhag-taagayaa shirarka socda ee uu hormuudka u yahay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo sidda ay u wajahaan xaalada.