GLOBAL NEWS

Weerarkii Hoteel Saxafi iyo DF Somalia oo ka Hadashay Weerarka


Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaarayso ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana ka hadlay weerarkaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Dadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka tirsan baarlamaanka FS, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan], milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-qabte, Mustaf Cabdi oo ahaa wariye la shaqeynayay telefishinka Al-jazeera.

“Al-shabaab waxay saakay salaaddii subax kaddib weerareen hotwel Saxafi, runtii waxaan idiin xaqiijin karaa inay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, xubno ganacsato iyo dad kale oo rayid ah ay ku dhinteen halkaas. Waxaa sidoo kale ay ciidamada ammaanku dileen xubnihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta la hadlay.

Wasiirka oo la weydiiyay xubnaha dowladda ee weerarkaas ku dhintay, ayaan bixin wax jawaab ah, balse wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka dhawaan ka hadlin doonaan tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarka Hotel Saxafi.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Somalia ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15-ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, ayna ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay soo af-jaraan weerarka.

Sidoo kale, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarkii Hoetelka Saxafi, waxaana dhaawacyada ka mid ahaa, taliye ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Jen. Gacma-duulle, danjirihii Somalia u fadhiyay dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan iyo wariye wakaaladda wararka ee Reuters ka tirsan oo lagu magacaabo, Faysal Cumar.

Howl-wadeennada isbitaalka Madiina ayaa iyaguna sheegay in dhaawacyo fara badan la soo gaarsiiyay saakay, ayna qaarkood yihiin kuwo culus, inkastoo aysan sheegin tirada dhaawacyada lasoo gaarsiiyay, basle wararka ayaa sheegaya inay 30-qof ka badan yihiin.

Weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa burbur aad u culus uu kasoo gaaray dhismaha hoteelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Somalia ayaa waxay ku guuleysteen inay badbaadiyeen xubno uu ka mid ahaa; Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, xildhibaanno ka tirsan dowaldda Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirro hore oo hoteelka deggenaa.

Ugu dambeyn, weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay diyaaraddi kusoo dhacday gobolka Shabeellada Hoose la sheegay in shaqaalihii la socday ay si toos ah gacanta ku dhigtay Al-shabaab, inkastoo aysan weli kooxdu ka hadlin arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa sheegtay in xoogaggii Al-shabaab ee Hotel Saxafi weeraray ay tiradooda ku sheegtay illaa lix qof, kuwaasoo qaarkood gudaha u galay hoteelka muddo saacado ahna ka dagaalamayay, laakiinse ay dowladdu sheegtay in la dilay dhammaantood.