AF-SOOMAALI

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho


Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ayaa goor dhaw lagu qaaday hoteel ku yaalla wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama.

Hotelka la weeraro oo lagu magacaabo Dayax Hotel ayaa ah mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana lagu waramayaa in ilinka hore ee laga gallo lagu dhuftay gaari walaxa qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas xoogan oo dhaceysa lamana oga in ay tahay rasaaas ay ridayaan ciidamada amniga iyo ay jiraan dabley weerar ku qaaday hotelka, kadib qaraxa.