GLOBAL NEWS

Waxgaradka Maamulada Galmudug iyo Puntland oo maanta ku dhawaaqay xabad-joojin


Kulan ay maanta magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Wax-garad iyo ganacsato kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa looga dhawaaqay xabad-joojin, iyagoo sidoo kale kulankooda ka soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xalinayo dagaalkii shalay Gaalkacyo ka dhacay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday oo u dhexeeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland, kaasoo toddoba ruux ay ku geeriyoodeen, in ka badan 43-qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Waxgaradka maanta ku shiray degmada Gaalkacyo ayaa waxay kulankooda kasoo saareen saddex qodob oo sal u noqonaya joojinta dagaalka Gaalkacyo, iyadoo xaaladda magaaladu ay maanta tahay mid deggen, inkastoo ay weli ciidamadu is-hor-fadhiyaan

Qodobada lagu heshiiyay ee kasoo baxay kulanka waxaa ka mid ah; In xabadda la joojiyo. In la kala qaado ciidammada is-hor-fadhiya ee maamullada Puntland iyo Galmudug kala taabacsan iyo in laga wadahadlo wixii dhaliyay dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Heshiiskan ayaa xigi doono kulammo ay yeelan doonaan labada maamul, kaasoo ay kaga hadli doonaan wixii dhaliyay dagaalka iyo sidii heshiis mideysan ay uga gaari lahaayeen, sida ay kulanka ka sheegeen waxgaradkii iyo ganacsatii ka hadlay.

Ugu dambeyn, dagaalkii shalay Gaalkacyo ka dhacay ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo dhexmara labada ciidamada maamul oo horay uu muran la xiriira xadka maamulladooda uu ugu dhexeeyay, iyadoo dhinac walba uu dhinaca kale ku eedeeyay inuu isagu dagaalka billaabay.