AF-SOOMAALI

Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo Aas loogu sameeyay Kismaayo


Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday meydka AUN Wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalim Maxamed Ibraahim Maxamuud, kaasoo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya.

Meydka wasiirka oo laga soo qaaday Hindiya ayaa xalay ku baryay Muqdisho, waxaana saaka lasoo gaarsiiyay magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay kusii sugayeen Madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, labadiisa ku xigeen, xubnaha labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Meydka ayaa markii laga soo dajiyay garoonka waxaa loo gelbiyay qabuuraha Baarcaleen, halkaasoo guddii loo xilsaaray aaska wasiirka ay u qorsheeyeen in lagu aaso meydka wasiirka.

Salaadda Janaasada wasiirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xildhibaanno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kuwaa oo ay keentay diyaarad gaar ah.

AUN Wasiirkii waxbarashada Jubbaland Macalim Maxamed Ibraahim ayaa sababsaday Kansar madaxa kaga dhacay, kaasoo in muddo ah looga daweeynayay dalka Hindiya.