AF-SOOMAALI

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ku geeryooday Maraykanka


Allaha u naxariistee waxaa magaalada San Diego ee gobolka Califonia dalka Maraykanka ku geeryooday habeenimadii xalay wasiirkii hore ee arimha dibada Soomaaliya xiligii dowladii kacaanka Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Bare.

Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa idaacada VOA-da u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia.

Alaha u naxristee marxuumku waxuu ku dhashay magaalada Luuq ee gobolka Gado 1937dii

Waxuu waxbarasho sare ee heer jaamacdeed ku Soo dhameeyay Dalka Talyaaniga horaantii 60kii Jaamacada Padua ee Dalka Talyaaniga

Waxuuna la soo shaqeeyay xukumadahii ka horeeyay xiligii kacaanka ,waxuuna ka hawlgali jiray wasaarada Arimaha Dibadda oo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Waxaa sanadkii 1970kii loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya, kadibna july 1977 ayuu noqday wasiirka wasaarada arimaha dibada.

1987kii ayaa loo magaacay Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta xiligaas oo dalka saameeyay dhaqaalo la’aan iyo sacir barar , isla sanad kadib markii wax laga qabanwaayay dhibaatadii dhaqaale ee dalka ayaa dib loogu celiyey wasaaradii Arimaha Dibada ilaa dalka uu ka burburay.

Alaha u naxariistee marxuumku waxuu xiligii dagaalada ku noolaa sanadahii hore dalka Kenya intii danbe ilaa uu ka geeryoodayna waxuu daganaa dalka maraykanka Magaaladda Sandeigo ee Califonia.

Waxuu ifka uga tagay 15 qof oo isagu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.