GLOBAL NEWS

Wasiirka gashaandhiga oo Maanta Booqday Ciidamada Ku Xaraysan Jaamacada Kismaayo (SAWIRO)


Wasiirka Gashaandhiga Dawlada Soomaaliya Cabdiqaadir Sh.Cali Diini ayaa Maanta Booqday Askarta ku Xaraysan Jaamacada Magaalada Kismaayo kuwaas oo kal Hore laga soo Xareeyay Deeganka Sabcasharaf oo ay mudo Daganayeen.

Askarta halkaas ku Xaraysan Ayaa sheegay in Ay Aad ugu Faraxsan yihiin Booqashada uu Wasiirku ugu Yimid iyaga oo sheegay in ay Xaaladoodu Aad u Wanaagsan tahay Daryeel Fiicana ay halkaas ku haystaan iyaga oo sheegay in Aysan Jirin inaba ha yaratee wax ay tabayaan.

Waxaa kale oo ay Askarta ku Xaraysan Jaamacada magaalada Kismaayo ay Sheegen in ay Diyaar u yihiin kamid Noqoshada Ciidamada Xooga Dalka soomaaliya Ayna Mudadii Ay Jaamacada ku Jireen Ay Halkaas ku Qateen Layli Askarinimo.

Madaxweyne ku xigeenka Koobad Ee Dawlada Jubbaland oo Dhankiisa halkaas Hadal ka Jeediyay Ayaa sheegay in Dawlada Jubbaland ay xil iska Saartay sidii Dhan Walba looga Dhisi lahaa Askarta jaamacada ku Xaraysan isaga oo intaas hadalkiisa Raaciyay in ay Cunaan Cunto Wanaagsan Jiif Aad u sareeyana ay Haystaan isaga oo Hoosta ka Xariiqay in Caafimadka Askartaas si Joogta ah loola socdo.

Wasiirka gaashandhiga ayaa sidoo kale Booqday 60 Askari oo katirsan Ciidamada Qalabka sida Ee Dawlada Jubbaland kuwaas oo Dhawaan tababar loogu Qaadi Doono Dalka Imaaradka Carabta oo Xiriir Saxiibtinimo uu ka Dhexeeyo Dawlada Jubbaland.

Wasiirka gaashandhiga ayaa Ciidamada kula Dardaarmay in ay ka Faa’iidaystaan Fursada Qaaliga ah Ee ay Haystaan oo wixii ay Dalka Dibadiisa kusoo bartaan ay dalka uga Faa’iideyan.

Wasiirka gaashandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sh.Cali Diini oo la hadlayay Ciidamada kal Hore laga soo Xareeyay Deegaanka sabcasharaf ayaa sheegay in Dhismaha Ciidamada Qalabka sida ay ka Qayb gali doonan ayna Dalkooda Difaaci doonan.