Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Kadib salaan iyo soo dhaweyn, waxaa wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada imaatianka wafdigan ay ugu muhiimsantahay mideynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamadii qaranka Soomaaliyeed (SNA).