GLOBAL NEWS

Wasiirka Difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada Somalia oo booqday Garoonka Bali-doogle


Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, C/qaadir Sh. Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagey garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle, halkaasoo fariisin u ah ciidammo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga wasiirka iyo taliyeyaasha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee Danab, waxayna warbixinno ka dhageysteen saraakiisha xoogga dalka ee halkaas ku sugan.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ujeeddada ay maanta u soo gaareen Balli-doogle ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay inay ciidanka Danab oo ka tirsan X.D.S halkaas ku qaateen tababar heerkiisu aadu sarreeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada difaaca dalkooda.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jabiseen. naftiinna ayaad u hurteen inaad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana way idiin og-yihiin dadaalkiinna, waxaadna ku jirtaan halgan muddo socday hadana socda oo dalkan looga sifeynayo Al-shabaab,” ayuu yiri Jen. Diini.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamadii kala duwanaa ee uu booqday inay mar walba dantooda ka horumariyaan tan Qaranka, si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu askarigu leeyahay. Isagoo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin ciidanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan baahidiina haqab-tirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono. Waxaana farxad weyn igu beertay markii ay indhahaygu qabteen geesiyaashii Danab oo dib loosoo carbiyay, haddana diyaarsan u ah difaaca dalkooda, tanina waa guul kale oo nagu dhiirri-gelinaysa innagoo kaashanayna saaxiibadeena caalamka inaan xoojino dhismaha ciidan leh awood iyo hufnaan sare,’’ ayuu yiri Jen. Maxamed Aaden.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia ayaa sheegay in raadadkii dagaallada sokeeye weli ay ka muuqanayaan garoonka Balli-doogle, wuxuuna tilmaamay in madaxda sare ee qaranka ay la wadaagi doonaan xaaladda ka jirta garoonka si deg-deg wax looga qabto.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidamadda cirka Somalia, Maxamuud Sh. Cali “Dable Baylood” ayaa goobta ka sheegay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan garoonka Balli-doogle ee ciidanka cirka, kuwaasoo fasax aan u haysan inay xarumo ka sameystaan, wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta ciidanka cirka Somalia, isagoo xusay in cid walba oo garoonka dhisme sharci-darro ah ka wadana ay sharciga la tiigsan doonaan.