AF-SOOMAALI

Wasiirka dastuurka oo aan hor tagin baarlamaanka iyo buuq siyaasadeed oo arintaa ka dhashay


Wasiirka wasaarada dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxman Xoosh Jabriil oo maanta qorshuhu ahaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo ayaa arintaa ka cudur daartay sababo la xiriira caafimaadkiisa.

Wasiirka ayaa u gudbiyay guddoonka baarlamaanka qoraal uu ku codsanayo in la siiyo mudo ku siman ilaa 11 bisha Augusto sababo la xiriira caafimaadkiisa, hasse ahaatee waxaa arintaan ka soo horjeestay oo diiday qaar ka mid ah xildhibaannada oo ka dalbaday guddoonka baarlamaanka in dib u eegis lagu sameeyo xilka uu hayo wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu ka biyo diiday u yeeristii baarlamaanka.

Hasse ahaatee xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka federaalka ayaa taa badalkeeda ku tilmaamay cudurdaarka wasiirka mid loo qaadan karo loona baahan yahay in la siiyo mudada uu codsaday.

Balse dood kaddib go’doonka baarlamaanka ayaa go’aansaday in uu cod galiyo arinta ku saabsan dib u eegista xilka wasiirka waxaana 85 ka mid ah ay u codeeyeen in dib u eegis lagu sameeyo halka 77 xildhibaanna ay arintaa ka soo horjeesteen oo dalbaday in dib loo dhigo halka saddex xildhibaan ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ee baarlamaanka u taallo waxa laga yeelayo arintan gaar ahaan xil heynta wasiirka oo ay dood ka keeneen xildhibaannada qaarkood.