AF-SOOMAALI

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha oo soo gaaray magaalada Muqdisho


Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed iyo xubno kale.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka mahad ecliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isaga oo sheegay in ay jiraan wax yaabo badan oo ay ka filanayaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle ka baryay in uu u fududeeyo xilka cusub ee loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Khamiistii xilalka ka qaaday saddex oo ka tirsanaa Xukuumadiisa, wuxuuna magacaabay Saddex Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka maanta Muqidsho soo gaaray.

Isbadalka kooban ee lagu sameeyay xukuumadda ayaa u muuqda mid dowladda ku dardargalineyso howlaha culus ee hor yaala gaar ahaan wax ka qabashada Amniga gudaha iyadoo ay jirto mucaaradad xooggan oo dowladda ka soo food saareysa siyaasiyiin iyo xildhibaanno.