AF-SOOMAALI

WASIIRKA AMNIGA: Waxaa la qabtay xubno sharci-darro uga Dhoofi lahaa Garoomada Dalka


Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Maanta Shaaciyay in la Qabtay Shabakado si aan sharci ahayn uga dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kwa maamullada dalka.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in shabakadahaan ay isugu jireen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo kooxaha wax-tahriibiya, kuwaas oo uu sheegay inay qaarkood rabay in ay ku Dhoofaan dalkugal been abuur ah.

“Muddo ka yar muddo bil, Waxaan qabannay labaatameeyo qof oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho. Waxaana noo fududeeyay inaan ogaannno Dukumiintiyada ay Xubnahaan wateen qalabka baaritaanka Garoonka Diyaaradaha yaalla,” ayuu wasiirku yiri.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Somalia ayaa intaa ku daray in shabakadahan qaar ka mid ah lagu qabtay Garoomada Diyaaradaha Maamul-goboleedyada wadanka ka jira, halkaasoo uu sheegay inay yaallaan qalab loo isticmaalo baaritaannada.

Ugu dambeyn, Dowladda FS ayaa wax ka beddeshay habka Hocdaalka, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho la keenay qalab baaris oo casri ah si looga hor-tago wax walba oo been abuur iyo khatar ah.