GLOBAL NEWS

Wasiirka Amniga oo booqday meelihii la dajiyay dhinacyadii Beledweyne ku Diriray


Wafdiga dowladda Somalia ee ku sugan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii la dajiyay maleeshiyaadkii dhawaan ku diriray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Wafdiga oo sidoo kale kormeerkooda ku wehlinayay waxgarad iyo odayaal dhaqameed ku howlanaa dhinacooda sidii loo joojin lahaa colaadda labada beelood, waxayna sheegeen in ujeeddada kormeerkoodu yahay u kuur-galida sida labada beelood ugu hogaasameen baaqa xabad joojinta ah iyo maleeshiyada la kala fageeyo.

Wasiiirka madaxtooyada Somalia, Mahad Salaad oo ka hadllay mid ka mid ah goobihii ay booqdeen, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in xabadda la joojiyo labada dhinacnna u hoggaasamaan baaqa dowladda iyo waxgaradka gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidanka labada dhinac la kala dajin doono deegaanada kala ah Burjada Ciinta, iyo Farma-jabaaley ee dulleedka magaalada Beledwyene, isaga oo malleeshiyada laftirkooda kula dar-daarmay in ay nabada ilaaliyaan.

Wasiirka ayaa u mahad-celiyay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac, isagoo si aad ah ugu ammaanay sida ay nabadeynta ugu hoggaasameen, wuxuuna waxgaradka ka rajeeyay inay dhameystrinta inta ka harsan soo afjarida colaadda mararka badan soo noq-noqtay.

Shacabka ku nool xaafadda Howl-wadaag oo dhibaato xoog leh ku qaba dagaallada labada beellood ayaa siweyn u soo dhaweeyay dadaallada ay waddaan wafdiga dowladda ka socda iyo waxgarad gobolka ee lagu soo afjarayo colaadda