AF-SOOMAALI

WASIIRKA AMNIGA: Ilaa 13-qof ayaa ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho ka Dhacay


Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13-ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale.

Wasiirka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Qaraxyadaan uusan garanayn halka lala doonayay in lala beegsado, balse ay ku qarxeen dibadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

“Gaadiidka qaraxyada lagu fuliyay waxay ahaayeen laba gaari oo midkood uu ahaa gaari weyn, halka midka kalena uu ahaa gaari yar. Gaariga weyn waxaa lagu joojiyay kootarool ay ciidamada Nabad-sugidu ku sugnaayeen, laakiinse wuu soo jiiray ciidamaduna way xabadeeyeen,” ayuu Wasiir C/risaaq yiri.

Sidoo kale, Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa Wuxuu yiri. “Baabuurku wuxuu ku qarxay inta aanu gaarin albaabka weyn ee laga galo Xerada Xalane, Waxaana ku geeriyooday 11-qof oo ahaa ciidammo shirkadaha amniga suga hoos-taga oo ku sugnaa meel ku dhaw halka uu Qaraxu ka dhacay.”

Qaraxa kale ayuu xusay inuu ka dhacay inta u Dhexeysa Albaabka Garoonka Muqdisho laga galo iyo kan laga galo xerada Xalane, isagoo xusay in lagu geystay gaari kale oo yar.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa kaloo la weydiiyay tira guud ee labadan qarax ku dhintay, wuxuuna ku jawaabay inay ku geeriyoodeen 13-qof oo ay ku jireen laba qof oo rasaasi ay ku dhacday, ayna ku dhaawacmeen shan qof oo kale.

Dhanka kale, Wararka madaxa-bannaan ayaa sheegaya in 15-qof ay ku dhinteen Weerarradan, kuwaas oo ay ku jiraan, ciidammo, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 20-qof oo kale, kuwaasoo 18-qof oo ka mid ah la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Afhayeenka AMISOM ayaa beeniyay inay Qaraxyadii maanta ciidammo uga dhinteen ama uga dhaawacmeen, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.