GLOBAL NEWS

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Jubbaland oo lugu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee dalka Marekanka


Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lugu soo dhaweynayay wasiir ku-xigeenka maaliyadda Jubbaland,Cali Maxamad Xaashi (Daqare) ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Marekanka.

Xafladaan ayaa soo agaasintay jaaliyada beesha Leelkase ee gobolka Minnesota, waxaana ka qayb-galay Isimmo,wax-garad, wakiillo, cuqaal, ganacsato iyo xubno matalayay qaybaha bulshadda Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis.

Ugu horreyn waxaa munaaasabadda futar SH Turaabi kadibna waxaa ka hadlay qaar ka mid isammadi ka soo qayb-galay oo ugu horeeyey Suldaan Xassan Xaaji Maxamuud waxayna soo dhaweeyeen wasiirka ku-xigeenka maaliyadda Jubbaland.

Qar ka mid ah isimmada ayaa u sheegay wasiir ku-xigeenka in Jubbaland looga fadhiyo sidii gobollada ay u noqon lahaayeen kuwao xasiloon,sababna u noqda jaaliyadaha dibadda inay dib ugu laabtan.

Wax-garadka ka qayb-galay xalfadda ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yahay sidii ay gacan u siin lahaayeen Jubbaland,waxayna ballan-qaaden wada-shaqeyn jogta ah.

“Waxaan diyaar u nahay inan la shaqeyno Jubbaland,waana taageerreyna marwalba,”qar ka mid ah wax-garadka iyo isammada munaasabadda ka qayb-galay ayaa yiri.

Inta kaddib wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowlad-gobolleedka Jubbaland,Cali Maxamad Xaashi (Daqare) oo xalfadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida meeqamka sare ee lugu soo dhaweeyay Minneapolis.

Wasiirka ayaa siiyay jaaliyadda warbixin ku aadan horumarka ka socda deegaannada Jubbaland,isagoo marka tilmaamay Jubbaland inay horay u socotay,walina ay socdaan dadaallo badan.

Waxaa kalo uu jaaliyadda ku ammaanay dadaallada ay ugu jiraan horumarka ka socda dalka,waxuuna marka u sheegay in mar walba ay doonayso Jubbaland gacanta qurba-joogta oo u ku sheegay inay moohim u yihiin horusocodka Jubbaland.

“Jubbaland waxay mar walba doonaysa gacanta iyo taageerrada qurba-joogta,waxaana idin ku ammaanaya jaaliyadda Minneapolis inay tihiin kuwo mar walba ka qayb-qaata gacana ka geysta horumarka ka socda dalka,”ayuu yiri wasiir ku-xigeenka maaliyadda Jubbaland.

Gudoomiyaha beesha Leelkase ee gobolka Minnesota ayaa waxa uu si qoto dheer ah uga hadlay masuuliyada sida ay ay u weyn tahay isaga oo ka sheekeeyey intii uu dalka ka shaqeynayey sida ay madaxda uGu shaqeyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyaha jaaliyada Jubbaland ee dalka Mareykanka Mudane Cabdiwahaab Maxamed Daahir isaga oo ku amaanay Madaxweynaha Jubbaland Mudane SH Axmed Madoobe daacadnimo iyo hufnaad aysan laheyn madaxda dalka ee hada shaqeysa.

Waxaa xaflada khadka taleefoonka uga soo qeybgalay madaxweyne SH Axmad Madoobe waxa uuna jaaliyada ku booriyey dadaalka loogu jiro dibudhiska dalka ay ka qeybqaataan.

Ugu dambeyntii,wasiirka ku-xigeenka ayaa inta uu joga dalka Marekanka waxuu kulamo kale la qaadan doona xubno ka mid ah jaaliyadaha oo u kala hadlayo sida ay uga qayb-qaadan lahaayeen xoojinta iyo taageerrada Jubbaland.