AF-SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Jubaland oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho


Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala eegtay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku dhinteen 9 qof, in ka badan 10 kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen ayaa dadkii ku waxyeeloobay waxaa kamid ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max’ed Awlibaax

Wasiirka oo howlo shaqo maalmihii u danbeeyay u joogay magaalada Muqdisho ayaa xilligii uu qaraxa dhacayay waxa uu ka agdhawaa Saldhigga degmada Waaberi, halkaa ooo uu ugu tagay firir ka dhashay qaraxa.

Xildhibaan Max’ed Daa’uud Cumar (Codweeyne) oo ay wasiirku wada joogeen xilligii ay waxyeelada gaartay ayaa HOL u sheegay in wasiirku dhaawac kasoo gaaray madaxa, haatanna uu yaal isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

“Walaalow xilligii uu qaraxa dhacayay wasiirka waan isla joognay, meel kasoo horjeeda saldhigga ayaan ku sugnayn, bir kasoo booday qaraxa ayaa wasiirka madaxa ka gashay, markii Isbitalka ayaan ula cararnay,” ayuu Xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.