AF-SOOMAALI

Wasiir Beyle oo si adag uga hadlay eedeyn ka timid Ganacsatada gobolka Banaadir


Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay eedeyn uga timid ganacsatada gobolka Banaadir oo sheegay in si gaar loogu soo rogay canshuurro dheeraad ah.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in eedeynta ganacsatadu tahay mid aan waxba ka jirin, isaga oo intaa ku darray in ganacsatada aan lagaba qaadin in ka badan 10 canshuur oo ay waajib aheyd in ay bixiyaan oo Saddex kaliya hadda laga qaadayo.

Waxaa uu meesha saaray in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Dekedda magaalada Muqdisho ayaa Todobaad shaqadeeda waxa ay tahay mid gaabis ku yimid, kadib markii Ganacstada ay sheegeen in si aan sharci aheyn looga qaadayo canshuurta, midaasina ay ka soo horjeedaan.