GLOBAL NEWS

Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka aroortii ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee DDS Itoobiya


Allaha u raxmadeen Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa saaka 6:30 aroornimo uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta DDS Itoobiya, sida uu HOL u xaqiijiyay wariye C/salaam Ibraahim Hereri oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Cawke.

Wariye Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, wuxuuna ahaa 73-jir; isagoo Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972-kii illaa burburkiina wuxuu wariye ka ahaa warbaahinta Qaranka qaybaheeda kala duwan sida; Tv-ga Qaranka oo uu markii dambe ka hawlgalay; isagoo ahaa afhayeenka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sannadkii 1996-kii ayuu ka mid noqday wariyaasha idaacda BBC-da laanta af Soomaaliga, kaddibna wuxuuu ku biiray VOA–da laanta Afka Soomaaliga. Marka la eego warbaahinta muuqaalka (Tv-ga) marka laga reebo Tv-gii hore ee dalka uu lahaa, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey telefishinno gaar loo leeyahay sida; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland TV.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa lagu soo booday xalay 1:30 habeennimo, isagoo aan wax xanuun ah qabin, waxaana la dhigay isbtaalka Jigjiga halkaasoo uu ku xijaabtay. Wuxuuna ahaa suxufi ruug-caddaa ah oo saxaafadda si aad ah u yaqaannay.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.

Dhanka kale, marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Kala-bayr oo ah deegaan ku dhow Tog-wajaale oo uu ku dhashay, deegaankaasoo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah Waaliddiintii.