AF-SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay ee degmada Qandala oo ay la wareegeen xoogag ka tirsan Daacish


Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in wali halkaa ku sugan yihiin xoogag sheegtay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish oo dhawaantan la wareegay.

Guddoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Kaarshe ayaa isaga oo jooga magaalada Boosaaso warbaahinta u sheegay in wali ay joogaan kooxihii dhawaan qabsaday, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay siweyn halkaa uga barakacay dadkii rayidka ahaa ku noolaa degmada.

“Waxaan joogaa Boosaas, wali waxaa deegaanka gacanta ku haya oo maamula kooxihii dhawaan qabsaday, inta badan dadkii degnaa waa ay isaga soo carareen, iyaga oo cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta kooxaha degmada qabsaday”ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Qandala ayaa sheegay in maraakiib dagaal ay ku sugan yihiin xeebta Qandala, kuwaa oo la socda dhaq dhaqaaqa deegaanka iyo guud ahaan xoogagga halkaa ku sugan.

Ciidammo ka tirsan maamul gobolleedka Puntland oo isku diyaarinaya dagaal ay la gallaan kooxaha degmada la wareegay ayaa lagu waramayaa in aysan wali gaarin.

Demada Qandala ayaa u jirta magaalada Boosaaso 77km, waana magaalo xeebeed istiraatiji ah.