GLOBAL NEWS

Wararka maanta- khamiis, Oct 29, 2015 Shirka Golaha Wasiirrada Somalia oo lagu meelmariyay miisaaniyad sanadeedka 2016


Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin soo gudbin miisaaniyad sannadeedka 2016-ka iyo xog ururin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil-saaray gurmadka fatahaadaha iyo roobabka El Niño ee laga cabsida qabo inay dalka ka dhacaan.

Kulanka ayaa waxaa si qoto-dheer looga dooday miisaaniyad sanadeedka 2016-ka oo dhan 216-milayn, taasoo 64% (boqolkiiba lixdan iyo afar) loo qoondeeyay inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka kasoo xarooda, waxaana golaha u faah-faahiyay miisaaniyaddan wasiirka maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Fargeeti.

Golaha wasiirrada ayaa dood-dheer kaddib ansixiyay miisaaniyad sanadeedkan, waxayna wasaaradda maaliyadda ballan-qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho ay dib u eegis ku sameyn doonaan miisaaniyadda, si loo kordhiyo qoondooyinka wasaaradaha.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa warbixinno looga dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha, C.raxmaan Maxamed Xuseen [Odowaa] iyo wasiirada caafimaadka, Xaawo Xasan Maxamed, waxayna ka warbixiyeen socdaallo ay ugu kuur-galayeen mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka fatahaadaha iyo roobabka El Niño, gaar ahaana gobollada Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn, gudiga ayaa tagi doona dhamaaan gobollada dalka ee ay maraan webiyada Shabeelle iyo Jubba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loogu gaarsiin lahaa dadka ku nool gobolladaas, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan fatahaado waaweyn iyo roobab wata dabeylo.