AF-SOOMAALI

War Deg Deg Ah: Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad oo dhamaatay (Yaa ku horeeya)


Waxaa hada soo dhamaatay Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana goordhaw la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo natiijada doorashada.

Shabakada Allbanaadir.com ayaa natiijooyinka horu dhaca ah ay heshay ayaa muujinaya in Doorashada uu ku horeeyo Musharax Cabdiweli Muudey kaa oo helay codad gaaraya 111-cod , waxaana kusoo xiga Musharax Xildhibaan Faarax C/Qaadir oo helay 94-cod.

Musharixiinta ayaa Codadka u kala helay sida tan :

1-Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey oo helay Codad gaaraya 111-cod

2-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir 94-Cod

3-Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye 26-Cod

4-Xihibaan Saciid Xuseen Ciid 17-Cod

5-Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir 7-cod

6- -Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar 4-Cod

Doorashada ayaana u muuqata in loo gudbi doono Wareega labaad, waxaana aad loo saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Xildhibaan Cabdiweli Ibraahim Muudey oo hada ku horeeya dooarshada lagana yaabo in Musharixiinta kale ugu shubaan.