AF-SOOMAALI

WAR DEG DEG AH” Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya


Waxaa la soo gabagabeeyay tirada codadka wareegii koowaad ee doorashada oo ay ku tartamayeen ilaa afar musharax.

Wareegii hore waxaa doorashada ku tartamay Prof Max’ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, C/fitaax Max’ed Geeseey iyo Idir Aadan Dhatar.

Guud ahaan tirada codeysay ayaa ah 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.

Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :

=

· Pror Max’ed Cismaan Jawaari [141 cod]

· C/rashiid Max’ed Xidig [ 97 cod ]

· C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey [17 cod]

· Idir Aadan Dhakhtar [2 cod]

 

Ugu danbeyntii, waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoonka KMG oo halkaa ka sheegay in Prof Max’ed Cismaan Jawaari mar kale noqonayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya