AF-SOOMAALI

War Deg Deg Ah: Kulankii Baarlamaanka oo saakay la baajinayo iyo Sababta ka dambeysa


Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in uu socdo dadaalo lagu baajinayo kulankii saakay lagu waday in xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shalay lagu wargaliyay in maanta oo isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Sacabka loogana doodi doono mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Sida aan Wararka ku helnay baajinta kulankan ayaa sabab ah wadahadalo xalay saqdii dhaxe bilowday soona gaaray saakay salaadii subax ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.’

Wadahadalada ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale qeyb ka ahaayeen Ra’isul Wasaaraha Xuykuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka saakay aroor hore soo gaaray kasoo baxeen natiijo iyo is afgarad, mana jiro ilaa hada wax war ah oo Madaxda kasoo saareen kulanka saacadaha badan qaatay ee qaateen.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo saakay isku diyaarinayay in ay tagana xarunta golaha shacabka ayaa qaarkood loo sheegay in kulanka baaqday, waaana markii sadaxaad uu baaqanayo kulanka Baarlamaanka ee looga doodi lahaa mooshinka Jawaari.

Waxaa suurto gal ah in saacadaha soo socda isbadal uu yimaado meeshana uu ka baxo khilaafkii xooganaa ee ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.