AF-SOOMAALI

Waqtiga la dhaarinayo baarlamaanka cusub oo lagu dhawaaqay


Maamulka baarlamaanka hadda jira ee federaalka ayaa ku dhawaaqay waqtiga kama danbeysta ee la dhaarinayo xildhibaannada baarlamaaanka cusub ee dhawaan la soo doortay.

Xog-hayaha guud ee golaha baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyay in munaasabada furitaanka baarlamaanka loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku war-gelinaynaa xildhibaannada baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta, General Kaahiye ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee golaha shacabka.

Ugu dambeyn C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee golaha Shacabka ayaa ka codsaday xildhibaannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda
munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loo soo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka December ayaa waxaa kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib lagu waddaa in ay doortaan guddoomiye ku-meel-gaar ah, waxaana sida dastuurka dalku qabo noqon doona qofka ugu da’da weyn, inta la dooranayo guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka.