GLOBAL NEWS

Wajigii Labaad Mashruuc Indho Fiiqis Bilaash ah oo Magaalada Kismaayo ka Socda


Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dad dan-yarta ah ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose, iyadoo mashruucan uu yahay kii ugu horeeyey ee sanadkan laga fuliyo dalka.

Mashruucan oo wejigiisa hore lagu soo gebagebeeyey maalmo ka hor isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaaalada Muqdisho ayaa waxaa indhaha loogu fiiqay dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo laga soo xulay xeryaha barakacayaasha Muqdisho, halka kumanaan kalena loo sameeyey baaritaano iyo daweyn, iyadoo howshan guud ahaan ay aheyd mid lacag la’aan ah.

Waxaa mashruucan iska kaashanaya Mashruucan indho fiiqista ah hay’adda Al-Basar, hay’adda Al-Nuur Foundation iyo Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay maalgelisay wakaalada Muslimiinta Afrika (African Muslim Agency) sida uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha heyadda Al-Nuur Foundtion kana mid ah dhaqaatiirta fulineysa mashruucan.

Dr. Dalmar ayaa intaa ku darayin mashruucan ay fulin doonaan sadexdii biloodba mar, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay isbitaalka daryeel ee magaalada Kismaayo oo howsha indho fiiqista marti-geliyey.

“Wejiga 2-aad ee mashruucan oo hadda aan ka wadno Kismaayo waxaa ka faa’iideysanaya oo si bilaash ah indhaha loogu fiiqayaa dad ka badan afar boqol oo kala yimid magaalada Kismaayo iyo degaano ka tirsan Jubooyinka, iyadoo qeybtii ka horeysay ee aan Muqdisho ku soo gebagebeynay indhaha loogu fiiqay 500-qof,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey heyadaha iyo dhamaan shaqsiyaadka gacanta ka geystay taaba galka mashruucan.

Agaasimaha Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo Dr. Axmed Maxamed Xuseen (Cirro) & Dr. Cabdisamad Abiikar Xaaji oo ka mid ah asaasayaasha Isbitaalkan ayaa xusay iney ku faraxsan yihiin qabsomida mashruucan iyagoo faahfaahin ka bixiyey adeegyada uu isbitaalkoodu ugu talo galay dadka indhaha loo fiiqayo.

Dr. Fakhruddiin Dakhan oo ah madaxa hawlaha mashaariicda ee hay’adda Al-Basar International Foundation oo fadhigeedu yahay waddanka Sacuudiga ayaa sheegay in howshan ay tahay mid dadka indhaha la’ ay aragga ugu fiiqayaan ayna socon doonto muddo sadex maalmood ah, isagoo xusay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu badan caalamka indha la’aantu ay ka jirto sidaas awgeedna ay u doorteen iney ka qeyb qaataan fulinta mashaariicda noocan ah wuxuuna ka mahad-celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey Kismaayo.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay Mashruucan indho-fiiiqista ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad-celiyay mashruucan indhaha loogu fiiqay iyagoo xusay ineysan jirin wax lacag ah oo laga qaaday waxayna u duceeyeen dhammaan intii ka qeyb qaatay.

Isbitaalka Daryeel ee magaalaada Kismaayo ayaa maalmahan laga dareemayay mashquul fara badan, iyadoo ay soo buuxiyeen dad arraga la’ oo rag iyo dumarba leh kuwaasoo qaarkood degaano fog uga soo hayaamay sidii ay uga faa’iideysan mashruucan bilaashka ah, waxayna dadkaas u badnaayeen kuwa da’da lixdamaadka kor u dhaafay.

Mashruucan indho fiiqista bilaashka ah oo soo socday muddo 11 sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2005 ayaa waxa ka faa’iideystay dad kumanaan gaaraya oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, iyadoo heyadaha ka qeyb qaadanaya ay sheegeen in ujeedaddiisu tahay sidii loola dagaalami lahaa indha la’aanta iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka indho la’aanta ba’an ay ka jirto sida lagu sheegay qiimeyn ay sameeyeen heyaddo caalami ah.