GLOBAL NEWS

Wafdi uu horkacayo RW Sharma’arke oo saacado lagu Xannibay Garoonka Diyaaradaha NAIROBI


Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Wufuud uu Horkacayo ayaa Shalay muddo Saacado ah lagu Xayiray Garoonka Diyaaradha Magaalada Nairobi Jomo Kenyatta.

Wafdiga, RW Sharma’arke ayaa kusii jeeday Dalka Turkiga, sida uu sheegaey mid ka mid ah xildhibaannadii wafdigan ka tirsanaa oo xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kneyatta u sheegay idaacadda VOA-da.

Sarkaal Amni oo ka Tirsan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi oo isagana la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta xayiraadda ay ahayd mid ku timid, diyaaradda RW Somalia iyo wafdigiisa wadday oo aan Wajeer soo marin.

“Diyaaradda wafdiga Xukuumadda Somalia ma aysan soo marin Wajeer, halkaas oo ay soo maraan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya oo dhan, si baaritaanno dhanka Ammaanka ah loogu sameeyo. Runtii tani waa tallaabo lagu jabiyay Amniga dalka Kenya,” ayuu ku daray hadalkiisa sarkaalkan amni ee la hadlay Warbaahinta dalka Kenya.

Sidoo kale, saraakiisha wasaaradda arrimaha Kenya ayaan si toos ha uga hadlin sida ay ula dhaqmeen mas’uuliyiinta dowladda Somalia, iyadoo gaadiidkii loogu talo-galay in ay RW Somalia iyo Wafdigiisa qaadaan ay iyaguna muddo Saacado ah ku Xayirnaayeen Dibadda garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

“Waxaan qorsheynay inaan Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Somalia dib ugu celino Muqdisho, Laakiinse Diyaaraddii keentay ayaa si dhaqso ah uga duushay Garoonka, taasoo keentay in muddo saacado ah ay garoonka ku xayirnaayeen.

RW Somalia oo ay la socdeen 20-xubnood oo ay ku jireen xildhibaano Somalia iyo saddex wasiir ayaa saakay ka dhoofay Magaalada Nairobi, iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga oo ay ku socdeen, kaddib markii Maalin ay Garoonka Nairobi ee Jomo Kenyatta.

Ugu dambeyn, RW Soomaalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaan Weli Xayiraadda isaga iyo wafdigiisa shalay loogu geystay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi ka hadlin.