GLOBAL NEWS

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka J/hoose oo booqday Dhoobleey


Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashid Goono oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan gudiga qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobleey ee gobolka J/hooose.

Wafdigan uu hogaaminayo gudoomiyaha ayaa markii ay gaareen magaalada Dhoobleey, waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka deegaankaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Wafdiga ayaa intaasi kadib loo dhaaciyay magaalada, waxaana intaa kadib uu wafdigu kulan la qaatay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Dhoobleey, iyadoo ujeedada safarka wafdigu ay ahayd in bulshada deegaankaasi loo soo bandhigo qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee maamulka Jubbaland.

Bulshada ku dhaqan Dhoobleey ayaa ka dooday qabyo-qoraalka dastuurka, iyagoo aragtidooda ka dhiibtay qodobada ku qoran dastuurkaasi iyo weliba waxyaalaha ay doonayaan in laga badalo amaba lagu kordhiyo.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni ayaa sheegay in ay doonayaan sidii bulshada ku dhaqan deegaanada Jubooyinka ay aragtidooda uga dhiiban lahaayeen dastuurka cusub ee la filayo in dhawaan la dhameystiro.