AF-SOOMAALI

Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxda Jubaland


Wafdi ballaaran oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska arimaha xuquuqul insaanka, waxaana imaatinkooda kadib xubnahani la geeyay xarunta Madaxtooyada Jubaland, halkaasoo ay kulan kula qaateen madaxda ugu sareeysa ee Jubaland.

Kulanka oo ay warbaahinta dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxa ay masuuliyiintani warbaahinta uga warbixiyeen waxyaalihii ay ka wada hadleen.

Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in masuuliyiitani ay ka wada hadleen arimo ku saabsan ammaanka iyo weliba sidii wax looga qaban lahaa arimaha bini’aadanimo.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in masuuliyiintan ay si qoto dheer uga wada hadleen arimaha howlgallada ciidamada, waxa uuna sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah loo bilaabo howlgallada Shabaab looga xoreeynayo deegaanada Jubooyinka.

Danjire Michael Keating oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkoodu ahaa in marka hore ay hambalyo ku aadan doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday ay la wadaagaan madaxda dowlad goboleedka Jubaland, isagoo intaa ku daray in kulanka ay sidoo kale uga wada hadleen arimaha abaaraha ka jira dalka.

Danjiraha ayaa xusay in wafdigooda oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday arimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ay isku afgarteen in gurmad loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa macluul ka dhalata abaaraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan Jubaland.

Wafdiga uu horkacayay Danjire Michael Keating ayaa kulankooda kadib dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay markii hore ka yimaadeen.