GLOBAL NEWS

Wafdi Saraakiil Ciidan ah oo kasocda Maraykanka ayaa Maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo


Magaalada Kismaayo Ee Caasimada KMG ah Ee Dawlada Jubbaland waxaa maanta soo gaadhay Saraakiil Ciidan oo kasocday Dawlada Maraykanka.

Waxaa Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Sarakiishan Ciidan Madaxweyne ku xigeenka Koobad Jeneraal Cabdullahi Sh.ismaacil Fartaag.

Ujeedada ay u Yimaaden Magaalada Kismaayo ayaa ah in ay ka Qayb qaatan sidii la isula Meel Dhigi lahaa Dhismaha Ciidamada Qaranka soomaaliyeed iyo sidii Dawlada Jubbaland ay Qaybta ay ku leedahay u Heli lahayd.

intaas kadib waxaa la guda galay Kulan ay Yeeshen Madaxda Dawlada Jubbaland iyo Wasiirka gaashandhiga soomaaliya iyo Sarakiishan Ciidan Ee Kasocday Dawlada Maraykanka waxaana kulanka la isku Af gartay Dhamaan waxyabahii laga wada Hadlay iyadoo Sarakiisha Dawlada Maraykanka kasocday Ay Dawlada Jubbaland ku Amaanen sida ay Mar walba Diyaarka ugu Tahay Dhismaha Ciidan Qaran oo soomaaliya ay yeelato.

Madaxweynaha Dawlada Jubbaland ayaa Balan Qaaday in Jubbaland ay Diyaar la tahay wax walba oo fududayn kara Midaynta iyo Dib u Dhiska Ciidamada Qaranka soomaaliyeed Ee SNA.