AF-SOOMAALI

Wafdi ka socda Qatar oo gaaray magaalada Muqdisho


Wafdi ka socday dowlada Qadar ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in wafdigan uu kulamo la yeesho madaxda dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa wafdigan ganacasatada ah ee ka socda dalka Qadar ku soo dhaweysay maanta oo ah Axad garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi, ayaa sheegtay in ganacsatadan ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .

Wasiir Fahmo ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Wafdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in soo booqdaan xiligan Soomaaliya, iyagoo sheegay iney u yimaadeen halkan sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.