GLOBAL NEWS

Mwaadin Somali Mareykan ah oo lagu toogtay Magaaladda Columbus


Wararka ka imaanaya magaalladda Columbus Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka , ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay muwaadin Soomaali Mareykan ah xili ay la socdeen xaaskiisa iyo caruur uu dhalay.

Kooxo hubeesan oon wali heebtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay toogteen Shucayb Abuukar oo 40-sano jir ahaa, xili ay dhinac socdeen xaaskiisa iyo lix caruur ah uu dhalay, waxaana la sheegay in xiligaasi uu kasoo baxay maqaaayad ay kasoo cunteeyeen.

Gobjoogayaal ayaa booliiska u sheegay in nin madaw oo qoray watay uu kor ka toogtay marxuunka la dilay kadibna uu gaari yar ku baxsaday, waxaana dhaawac halis ah rasaasta uu kasoo gaaray Shuceyb Abuukar kaa oo ugu dambeyn u geeriyooday dhaawaca halista ahaa ee soo gaaray.

Christ Holzhauser oo ka tirsan Boliska Magaalada Columbus , ayaa sheegay in aan wali la aqoonsan kooxihii dilka ka dambeeyay ayna socdaan baaritaano ay booliisku ku ogaanayaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Marxuum Shucayb Abuukar deganaa magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio, waxa uuna ifka kaga tagay 6-caruur ah iyo xaas, lamana oga ujeedka loo dilay iyo waliba cida ka dambeysay dilkiisa.