AF-SOOMAALI

Turkiga oo Muqdisho ka hergaliyay Dugsi lagu barto duulimaadka


Dugsiga maanta xariga laga jaray ayaa waxaa dhistay Hay’ada dowladda Turkiga u qaabilsan gargaarka iyo hormarinta ee Tika waxaana loo dhisay in lagu soo saaro Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka shaqeeya hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay Dugsiga ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas, Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Masuuliyiin kale.

Madaxa Hay’ada TIKA oo iyadu dhistay Iskuulada Qaalid Yilmas iyo maareeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi C/lle ayaa labadu sheegay in iskuulku muhiim u yahay hormarka hay’ada saadaasha hawada Soomaaliya.

Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya mudane Olgan Baker ayaa sheegay in dowladda Tukiga ay ka go,antahay hormarka Soomaaliya isla markaana ay dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaan sidii Somalia hormar buuxa u gaari lahayd.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga garab istaageeda bulshada Soomaaliyeed.

Dhamaadka sanadkaan ayaa qorshuhu yahay in Soomaaliya ay dib ula soo wareegto maamulka Hawadeeda.