GLOBAL NEWS

Tirada Xujeydii Soomaaliyeed ee ku Geeriyooday Xajka oo Korortay iyo Sucuudiga oo Is-difaacay


Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shilkii Shalay ka dhacay Xajka uu ahaa Musiibo, iyagoo Shaaciyay in baaritaanno lagu Sameyn doonaan shilkan. Dhaxal-sugaha boqortooyada Saudi Arabia, Maxamed Bin Naayef uu isna sheegay in la Magaacabayo Guddi Arrintaan soo baara isla markaana Natiijada u gudbisa boqorka.

Wasiirka Caafimaadka dalka Sucuudiga, Khaalid Al-faalix ayaa isna xusay in si degdeg ah loosoo bandhigi doono tirada kama dambaysta ah ee Geerida, isagoo xusay in dhaawacuna uu gaarayo 863-xujeyn ah.

Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee ku Geeriyoday shilkan ayaa illaa hadda waxay marayaan toddoba xaaji, iyadoo ay isi soo tarayaan dalalka Caalamka ee soo bandhigaya tirada dadka uga geeriyooday shilkan.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa waxaa haysta Cadaadis iyadoo laga sugayo wixii ay ka dhici lahaayeen Shilkan ay Boqolaalka Xujeyd ah ku dhinteen, iyadoo Dalka Iiraan oo ka hadlay arrintan ay ku eedeeyeen Sucuudiga inay shilkii Xajka ka dhacay ay iyagu ka dambeeyaan, xurguf colaadeedna ay kala dhexeyso.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 131-xaaji oo xujey ah oo ka mid ahaa kuwii ku dhintay shalay Xajka ay dalkeeda u dhasheen, 60-xaaji oo kalena ay kaga dhaawacmeen; inkastoo aysan sheegin rag iyo dumar sida ay kala ahaayeen.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Kacaanka Isaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga ay si xun u maamuleen arrintan, taas oo uu sheegay inay dhalisay dhimashada xujeyda faraha badan.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Iran, Xasan Ruuxaani ayaa isna ku dhawaaqay in saddex maalmood oo baroor-diiq ah ay sameynayaan, si ay ugu murugoodaan xujeyda uga dhintay Xajka. Wuxuuna Sucuudiga ugu baaqay inay mas’uuliyada dhibaatadaas aqbalaan.

Kaddib Salaaddii Jimcaha ee Maanta ayaa waxaa Xarunta dalka Iiraan ee Tehran isugu soo baxay dadweyne badan oo dhigayay bannaanbaxyo, kuwaasoo ay Xukuumadda Dalkaas ku Tilmaantay inay ka Careysan yihiin waxay ugu yeereen karti xumada Xukuumadda Saudi Arabia.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga, Jen. Mansuur Turki ayaa ku Baaqay isla maanta inaan lagu Deg-degin Shilkii ka Dhacay Xajka, isla markaana aan laga hor-dhicin baarista lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Telefishin laga leeyahay dalka Saudi Arabia ayaa baahiay Maanta in Masar iyo Hindiya ay uga Geeriyoodeen Shilkii xajka ka dhacay 14- xaaji, halka Dalka Pakistan ay uga dhinteen Todobada Xaaji, Aljeeriya iyo Indonisiya ayaa xusay in saddex qof ay uga dhinteen shilka.

Ugu dambeyn, Dawladda Marooko ayaa iyadana xustay in 78 xaaji ay uga dhinteen Shilka, Turkiguna ayaa sheegay inay Raadinayaan 18 xaaji oo aan la haynin, Dawladda Holland ay sheegtay inuu hal qof uga dhintay, halka Kenya ay sheegtay inay uga dhinteen saddex qof.