AF-SOOMAALI

Tirada dhimashada Qaraxii Hotel Weheliye oo korartay


Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha Qaraxii cuslaa ee maanta ka dhacay hotelka Weheliye e magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tirada dhimashadu gaartay 17 ruux.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in dadka dhintay u badan yihiin dad shacab ah oo fadhiyay ilinka hore ee Hotelka.

Dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka ayaa waxaa ku jiray dad la socday gadiid goobta marayay oo u badna kuwa Mooto Bajaajka, sidoo kalana waxaa uu sababay bur bur xoogan oo soo gaaray dhimayaashii goobta ka agdhawaa iyo gadiid dadweyne.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee maalmihii ugu danbeeyay ka dhaca caasimada Muqdisho, lamana oga in qofka qaraxan geystay uu saarnaa gaariga iyo in goobta la soo dhigay meel ka fogna laga qarxiyay.