GLOBAL NEWS

TARSAN: Maamul Dhisidda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Waddo Qaldan ayaa loo Maray


Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ahaana duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlay khilaafaadka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe isagoo ku dhaliilay DF inay doonayso inay jajuubto rabitaanka iyo talada shacabka ku nool gobolladaas.

Maxamuud Tarsan ayaa xusay in dowladda Somalia ay si qaldan u maareyneyso howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana meesha ka saartay taladii iyo wax ku yeelashadii shacabka.

“Waxaa rumeysanahay in dowladda federaalka Somalia ay waddadii aan saxda ahayn ku Maamulayso Qorshaha lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Waxayna ila tahay inay ka saartay dadka taladii ay ku yeelan lahaayeen maamulkaas loo dhisayo, taasoo keeni karta dhibaato,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, Duqii hore ee Muqdisho ayaa intaas ku daray inaysan muuqan sabab lagu diido in loo qabo shir dib u heshiisiin ah, Dowladda Soomaaliyana ay siiso muddo u dhexeys bil illaa saddex bilood si beeluhu u heshiiyaan.

“Reer Hiiraan waxay dalbanayaan waa wax macquul ah, waxay leeyihiin dadkaan waa dagaalsan yihiin, aan heshiisiino, waqti aan ku heshiisiino ha nala siiyo, dowladda waxaa laga doonayaa inay bil siiso si ay khilaafaadkooda u xalliyaan,” ayuu hadalkisa ku daray Tarsan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir wuxuu xusay in isaga ay ula muuqato in dowlada Somalia ay deg-degsan tahay, balse uusan garanayn waxay u deg-degsan tahay, wuxuuna ku taliyay in loo baahan yahay in wax walba ay is-faham ku dhammaadaan.

Isagoo ka hadlayay safarrada Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ee Baladweyne, ayuu yiri. “Runta in laga hadlo ayaa la doonayaa, safarada mas’uuliyiinta daacad kama ahan – balse waa dad goolal iska dhalinaya. RW wuxuu rabay inuu gool ka dhaliyo Madaxweynaha, isaguna wuxuu doonayaa inuu ka adkaado, marka waa taas tan dhibaatada weyni ka jirto,” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo magaalada Beledweyn ku sugan maalintii saddexaad, ayaa kulammo la leeyahay duubabka dhaqanka ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo aanay weli kasoo bixin wax natiijo ah.