AF-SOOMAALI

Taliyayaasha Nabad-sugida, Booliiska iyo Asluuubta oo la magacaabay


Kaddib kulan gollaha Wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay taliyayaasha ciidamada Nabad-sugida,Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabad-Sugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen.

Halkan Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska.

Sidoo kale Taliyaha Nabad-Sugida Xusseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka.

Xilalkan ayaa ku dhawaad muddo afar bilood ah bannaanaa kaddib markii 29 October sanadkii hore fadhi sidan oo kale gollaha Wasiirrada yeesheen xilalkii ka qaadeen taliyayaashii Nabad-sugida iyo Booliiska Soomaaliyeed.