AF-SOOMAALI

Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir oo la magacaabay


Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu magacabay Taliyaha Nabad Sigida gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay soo jeedin ka timid Taliyaha Hay’da Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa xilka looga qaaday Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida gobolka Banaadir Faran far ,waxaana lagu magacaabay Taliye cusub.

Taliyaha Cusub ee Ha’ada Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Saadaq Cumar Xasan oo kasoo jeeda magaalada Cadaado horeyna u ahaa Taliyihii Hay’ada Nabad sugida maamulka Galmudug.

Saraakiil kale oo katirsan Hay’ada Nabad sugida Qaranka ayaa horey loo hadal hayay in midkood loo magacaabi doono xilka Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir, hasa ahaatee xubnahaasi ayaa xilkooda ku waayay sida aan xogta ku helnay qaab qabiil.