AF-SOOMAALI

Taliyaha ciidamada dowladda oo beeniyay in howlgalkii ka dhacay Bariire lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab


Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.

General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Bariire uuna ahaa mid ku dhacay si aan kutalagal aheyn.

Taliye Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu dhacay kadib markii ciidamada huwanta ah iyo beeralay hubeysan oo ku sugnaa meel u dhow Bariire ay kala shakiyeen, kadibna ay rasaas bilaabatay.

Taliyaha ayaa beeniyay war ka soo baxay saraakiil dowladda ka tirsan oo sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 8 ka tirsan al-Shabaab.

“Waxaan xaqiijinayaa in dadka dhintay ay yihiin rayid, haatanna maydkoodii wuxuu yaallaa cisbitaal Muqdisho ku yaalla” sidaas waxaa yiri Taliye Cirfiid.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lahu sheegay in howlgal Ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada caalamiga ay ku qaadeen agagaarka Bariire ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in howl galkii ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay in baaritaan uu socdo.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku jira ay rag hubeysan soo rasaaseeyeen, isagoo xusay in laga codsaday markii hore in hubka dhigaan, balse ay diideen.

Dhinaca lale Taliye Cirfiid ayaa VOA u sheegay inuu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, oo uu sheegay inay ka xumaadeen dhimashada rayidka.