GLOBAL NEWS

Taliska AMISOM oo uga Hadlay si Taxaddar leh Ciidamadoodii ka baxay MARKO


Jimco, Feberaayo 05, 2016 — Qoraal kooban oo ay AMISOM soo dhigtay Barta ay Twitter-ka ku leedahay ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadooda ay si Farsamo ah uga baxeen Degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo AMISOM aysan Qoraalkoodan kooban ku Magac-dhabin Magaalada Marko ayaa haddana, waxay xuseen sheegeen in ciidamadoodu ay dib ugu laabanayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, ujeedkooduna uu yahay sidi ay Al-shabaab u burburin lahaayeen.

“Ciidankeennu Waqtiba kan ka dambeeya ayay u Qorsheynayaan inay Saldhigyadoodii dib ugu laabtan , farsamadaana waa mid aan uga dan leennahay inaan ku jabino argagaxisada,”