AF-SOOMAALI

Taariikh cusub oo u bilaabatay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea


Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Asmara ayaa u muuqda mid bog cusub iyo taariikh bilow ah ka dhigaya xirirka diblomaasiyadeed ee labad dal Soomaaliya iyo Eritrea.

Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo Saddex cisho ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo uga bilaabatay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Isaisa Afwerki iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa garoonka diyaaradaha uga hortagay madax-weynaha Soomaaliya iyo wafdiggii la socday.

Booqashadan oo ah marka dhinac laga eego mid la jaan-qaadeysa is badallada siyaasadeed ee gobolka ka soo cusboonaday, ayaa la filayaa in labada madaxweyne kulamadooda inta badan diirrada ku saaraan sidii loo soo nooleyn lahaa xiriirkii labada dowladood oo muddo dheer-ba mad-madow ku jiray.

Eritrea oo muddo ka badan 20 sano dagaal kula jirtay dowladda dariska la ah ee Itoobiya ayaa iyadoo ka xukun saameynta ay Itoobiya ku laheyd Soomaliya, waxaa iyana taa badalkeeda u ogolaatay dalkeeda in ay xarumo ka dhigtaan Ururradii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya sida midowgii Maxkamadaha iyo kooxihii kale ee ku kacsanaa dowladdihii dalka isaga danbeeyay sida Isbaheysigii Asmara oo ay ku mideysnaayeen wadaado iyo siyaasiyiin is badal doon ahaan.

Waxey taasi dhaxal siisayy markii danbe in dowladda Eritrea lagu eedeeyo in ay taageerro dad badan siiso ururrada xagjirka ah sida Al-shabaab, ugu danbeyntii-na Qaramada Midoobey ayaa ku soo rogtay cunaqabateyn sabab looga dhigay in ay xasilooni darro ka wado gobolka Geeska Africa.

Laakiin marka aad eegto heshiiskii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea iyo booqashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Asmara, waxaa muuqanaya in markan Ertirea diyaar u tahay in ay meesha ka saarto tuhumadii laga qabay ee keenay muddo dheer-ba go’doon ka ahaato caalam-ka intiisa kale.

Dowladda Soomaaliya-na waxaa muuqanaya in dhinaceeda ay diyaar tahay in ay la jaan-qaado is badallada ka socda gobolka oo dhinacyo badan isugu jira.