AF-SOOMAALI

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha oo intiisa badan xiran


Warar naga soo gaaraya Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa sheegaya in intiisa badan saakay suuqa uu xiran yahay kaddib cabasho ballaaran oo ka taagan canshuur ay dowladdu soo rogtay.

Xernaashiyaha Suuqa ayaa yimid kaddib markii ganacsatada Suuqaas ay shalay sheegeen in ay joojinayaan guud ahaan ganacsigii suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada ayaa ku dooday in dowladdu ay ka dhaga-adeygtay cabasho is daba joog ah oo ay soo jeediyeen taasoo la xiriirta wax ka qabashada canshuurta lagu soo rogay oo sida ay hadalka u dhigeen ganacsatadu ah mid aan la qaadan karin.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili waayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.